Wafdi ka socda QM iyo AMISOM oo gaaray magaalada Baydhabo

by admin | Friday, Nov 14, 2014

Baydhabo : HN :–Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay gaaray maanta wafdi ka socda QM iyo AMISOM kuwaa oo la kulmay xubno ka tirsan guddiga dhismaha maamulka saddexda gobol ee Baydhabo ka socda.

Shirka maamul u sameynta saddexda gobol ayaa weli ka socda magaalada Baydhabo, xilli ay mas’uuliyiinta ugu sarreeya dowladda federaalka ay soo saareen go’aan wadajir ah oo ay ku dalbadeen in shirka hakad la geliyo, inkastoo ergada shirka ay ku gacan-sayreen go’aankaas.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo uu weli ka socdo shirka maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed Somalia ayaaWafdi_Baydhabo_Booqday_HOL_2 waxaa maanta booqasho ku tagay wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo AMISOM.

Wafdigan oo ka socday UNDP iyo AMISOM ayaa xarunta maamul u sameynta Koonfur-galbeed Somalia kula kulmay guddiga farsamada shirka, waxaana kulankaas goobjoog ka ahaa wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo kulanka looga hadlay sidii loo dadar-gelin lahaa shirka maamul u sameynta saddexda gobol ee Bay, Bakool iyo Shabeellada Hoose.

Shirka maamul u sameynta saddexda gobol ayaa weli ka socda magaalada Baydhabo, xilli ay mas’uuliyiinta ugu sarreeya dowladda federaalka ay soo saareen go’aan wadajir ah oo ay ku dalbadeen in shirka hakad la geliyo, inkastoo ergada shirka ay ku gacan-sayreen go’aankaas.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!