Wafdi ka socda QM iyo midowgga Africa oo gaaray Baardheere

by admin | Wednesday, Aug 12, 2015

Baardheere : HN :–Wararka ka soo baxaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo dhawaan laga saaray Al-shabaab ayaa sheegaya in ay halkaa maanta gaareen wafdi ka socda midowgga Africa iyo QM.

Sida ay sheegayaan wararka wafdiga ayaa diyaarad Helicopter ah ku tagay degmadaas, waxaana ay indha indheynaya xaaladaha Baardheere_Gobolka_Gedo_Somaliabani’aadanimo iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa.

Guddoomiyaha degmada Baardheere Caddoow Nuur Xasan ayaa sheegay in wafdigan ay durbaba kormeereen qeybaha ay ka kooban tahay magaalada, isla markaana ay kala hadleen sidii ay gurmad u fidin lahaayeen dadka ku nool degmadaas.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in xubnaha ka socday Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey kala hadleen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo halka uu marayo howl galada.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa bishii la soo dhaafay la wareegay degmada Baardheere, halkaasoo muddo sideed sano ku dhow ay ka talinayeen Al-Shabaab.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!