Wafdi ka socda QM oo booqday magaalada Garbahaarey, Gedo

by admin | Tuesday, Nov 4, 2014

Garbahaarey : HN:–Wafd ka socda hay’adda QM ayaa gaaray degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, wafdiga oo kasoo kicitimay magaalada Nairobi ayaa waxaa degmada Garbahaarey kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo oo guddoomiyaha gobolka Maxamed Cabdi Kaliil uu horkacayo.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Mudane Maxamed Cabdi Kaliil oo ugu horeyn hadalka qaatay, ayaa xusay in waxyaabaha ugu waaweyn ee ay wefdiga Qaramada Midoobey ka socda ka wada hadleen ay kamid yihiin: sidii wax looga qaban lahaa deegaanada ay abaaruhu ka jiraan ee ku yaal dhulka magaalooyinka ka durugsan iyo weliba sidii kor loogu qaadi lahaa nolosha dadka barakacayaasha ah ee xoolahoodii ku waayey abaarta.

Kaliil ayaa sidoo kale sheegay in ay isla soo qaadeen xubnaha Wafdiga UN-ka sidii mashaariic horumarineed looga fulin lahaa deegaanada gobolka Gedo iyo in ay si joogta ah uga howlgalaan gobolka Hay’addaha Qaramada Midoobay ee dhinacyada Siyaasadda iyoQarma Samafalka qaabilsan.

Guddoomiyaha degmada Garbahaarey Mudane Iimaan Caddoow Kaarshe oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii la kulantay saraakiisha ka soctay UN-ka, ayaa sheegay in ay ka wada hadleen arrimo la xiriira siddii loo gargaari lahaa dadka ku dhaqan degmada oo mudo dheer sida uu sheegay wax gargaar ah helin.

”Saraakiisha waxaa ay ahaayeen xubno dhinaca gar-gaarka u qaabilsay hay’addaha QM, qiimeyn ayeey ku sameynayeen xaaladda amniga degmada iyo sidda ugu fudud ee gargaar loo soo gaarsiin karo dadka ku dhaqan degmada Garbahaarey oo mudo dheer aan wax kaalmo ah helin,” ayuu yiri Iimaan Caddoow Kaarshe.

Waxaa uu sheegay in ugu danbeyntii leysku afgartay in sida ugu dhaqsiyaha badan kaalmo loola soo gaaro dadka ku dhaqan degmada oo saameyn ay ku yeesheen abaarihii sida daran u saameyay qeybo kamid gobolka Gedo.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!