Wafdi ka socda QM oo maanta gaaray magaalada Kismaayo

by admin | Thursday, May 14, 2015

Kismaayo : HN :– Wafdi uu horkacayo  ku-xigeenka QM ee arrimaha Soomaaliya Raysadhon Sanayga ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo.

Wafdiga ayaa kulan ay dibad joog ka aheyd warbaahinta waxaa ay la qaateen madaxweeynaha Jubbaland iyom xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, waxaana markii ay kulamadu soo dhamaadeen si wadajir ah saxaafadda uga warbixiyay madaxweeynaha Jubbaland iyo kuxigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Madaxdani ayaa waxa ay sheegeen in kulamadoodii ay uga wada hadleen arimo ay kamid yihiin sidii loo dardar gelinwafdi QM lahaa dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, arimaha dib u heshiisiinta iyo weliba sidii loo dhisi lahaa ciidamada qaranka Soomaaliya (SNA).

Ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Raisadon Sanaiga ayaa dhankiisa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay horumarka ka muuqda magaalada Kismaayo, isagoo xusay in intii uu soo dhexmarayay magaalada uu ku arkay horumar baaxad leh oo dhanka dhismaha ah, waxa uuna sheegay in ay u yimaadeen sidii maamulka Jubbaland ay ugu boorin lahaayeen dardar gelinta nabadda, horumarka iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Booqashada wafdiga ka socda Qaramada Midoobay uu ku yimid magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan la caleemosaaray gudoonka Baarlamanka cusub ee Jubbaland.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!