Wafdi uu hogaaminayo wasiirrka arrimaha gudaha oo Kismaayo gaaray

by admin | Monday, Mar 23, 2015

Kismaayo : HN :–Wafdi uu horkacayo  wasiirrka arrimaha gudaha iyo federaalka C/raxmaan Xusseen Odawaa ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirka Warfaafinta iyo Mas’uuliyiin kale, iyadoo garoonka diyaaradaha Kismaayo ay ku soo dhoweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubba.

Booqashada Wafdiga Wasiirka ayaa la sheegay inay la xiriirto u kuur gelida arrimaha dhameystirka Maamulka iyo soo xulida Baarlamaanka Jubbaland oo qorshihiisa ay mudooyinkii u dambeeyay ka socdeen Kismaayo.

Sidoo kale waxaa la filayaa inay la kulmaan madaxda Maamulka Jubba, iyadoo kala hadli doona arrimo ay ka mid yihiin mideyntaaxmedodwa Ciidamada iyo dhaqan gelinta qodobadii laga soo saaray shirarkii dib u heshiisiinta ahaa.

Wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya inay jiraan cabasho badan oo laga muujinayo habka soo xulida

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland, waxaana beelo qaar ay ka cabanayaan in aan si cadaalad ah u socon habka wax qeybsiga kuraasta Baarlamaanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirta hirgelinta federaalismka, iyadoo ay socdaan dhismaha Maamul goboleedyada uu dalka yeelanayo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!