Wafdi uu horkacayay safiirka Jabuuti oo maanta gaaray magaalada Beledweyne

by admin | Wednesday, Jun 3, 2015

Beledweyne : HN :–Wafdi uu horkacayay safiirka dowladda Jabuuti ee Soomaaliya Dayib Dubad Rooble, islamarkaana ay qeyb ka ahaayeen wakiilada midowgga Africa iyo Yurub ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo qaybaha bulshada waxaana laga wadasafirka-Jabuuti3-500x264 hadlay barnaamijyada hormarinta la xiriira ee dowladda Jabuuti ay ka wado gobolkaas iyo arimaha amaanka sidoo kale arimaha dib u heshiisiinta ka socotay gobolka Hiiraan.

Safiirka iyo xubnaha la socday oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta maamulka gobolka ayaa waxaa ay soo kormeereen qaybo ka mid ah magalada Beledweyne si gaar ah goobo dowladda Jabuuti ay ka fulisay mashaariic hormarined .

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!