Wafdi uu horkacayo wasiirka ammniga oo gaaray Beledweyne

by wadani | Sunday, Jan 3, 2016

wasiirkaKhayraadkaBeledweyne : HN :– Waxaa goor dhaw ka degay gaaroonka diyaaradaha magaalada Beledweyne wafdi balaaran oo uu horkacayo wasiirka wasaarrada ammniga xukuumada Soomaaliya C/risaaq Cumar Max’ed, waxaana ka mid ah xubnaha wafdiga wasiirka batroolka Max’ed Mukhataar Ibaraahim, xildhibaanno, ay ka mid yihiin Shuuriye, C/llaahi Goodax Barre, C/qaadir Cosoble, Cali C/laahi Cosoble iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ujeedada wafdiga maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa la xiriirinayaa geeridii naxdinta laheyd ee maanta ku timid alle ha u naxariisteen Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Siddoo kale, maalmaha soo socda ayaa la filayaa in ay magaalada tagaan wafduud kala duwan oo isaga kala iman doona qeybaha uu dalka ka kooban yahay, iyadoo siddoo kalana la filayo in ay gaaraan magaalada Beledweyne dadweyne isaga kala iman doona dalka dibadiisa.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!