Wafdi uu horkacayo wasiirrka arrimaha dibada Jabuuti oo goor dhaw Muqdisho soo gaaray

by admin | Friday, Jan 9, 2015

Muqdisho : HN :– Waxaa goor dhaw ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho wafdi uu horkacayo wasiirrka arrimaha dibada Jabuuti Max’ed Cali Yuusuf oo hor dhac u ah wafuud ka socta dalalka jira urur gobolleedka IGAD oo beri shir uga furmayo Muqdisho.

Wafdiga waxa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle.

Shirka  oo berri oo Sabti ah furmaya ayaa la sheegay inuu noqonayo kii 53-aad ee ay yeeshaan wasiirrada arrimahaMaxamuud_Cali_Yuusuf_Mogadishu dibadda ee IGAD, waxaana shirkan intiisa badan looga hadli doono arrimaha Somalia, sida siyaasadda, amniga iyo dib u heshiisiinta.

Waa markii ugu horreysay oo wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD ay dalka ku yeeshaan mid ka mid ah kulammadooda caadiga ah tan iyo markii ay dhacday dowladdii milateriga ahayd ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu caawa wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD u sameeyo casho-sharaf, iyadoo tani ay ka mid tahay soo dhaweynta ay dowladd Soomaaliya ugu talo-gashay wsiirrada arrimaha dibadda IGAD ee Muqdisho imaanaya.

Kulanka dalalka IGAD ayaa lagu waddaa in uu ka dhaco hotel lagu magacaabo SYL oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo dhawaan la dhisay, iyadoo amniga waddooyinka gala hoteelkaas aad loo adkeeyay. Waxaana shirka furi doona madaxweynaha Soomaaliya.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!