Wafdi ka socda dowladda Britain oo gaaray magaalada Garoowe

by admin | Sunday, Oct 12, 2014

Garoowe : HN :–Magaalada Garoowe ee xarunta maamul gobolleedka Puntland waxaa gaaray wafdi ka socda dowladda Britian oo halkaa kulan kula yeeshay madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas.

Wafdiga waxaa horkacayay Grant Calder oo ah la taliyaha arimaha siyaasadda safaaradda Ingiriiska ee Somaliya,iyadoo arimaha laga wada hadlay  ay ku jireen dimuqraadiyadda iyo in taageero lo fidiyo maamulka Puntland.

Horumarinta laamaha garsoorka ,furitaanta  nidaamka axsaabta badan iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah ayaa ku jirayWafdiga_Britain_Garoowe_Gaas waxyaabaha kulanka lagu soo hadal qaaday intii u socday .

Dhinaca kale wafdiga dowladda Biritin ayaa ka mahad-celiyay soo dhaweynta ay ka haleen madaxda maamulka ,waxaana ay sheegeen in Puntland ay wada shaqayn dhow la yeelan doonaan si hormariyo xiriirka labada dhinac.

Ugu danbayntii warka ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in dowlada Ingiriiska ay maamulka Puntland  sidoo kale ka caawin doonto tababaridda qaybaha kala duwan ee ciidamada gaar ahaan laamaha booliska,waxaana madaxweynaha uu booqashdan ku tilmaamay mid loo baahnaa.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!