Wafdiga Soomaaliya iyo Somaliland wadda hadalada uga qeyb-gallaya oo gaaray Istanbul

by admin | Saturday, Feb 28, 2015

Istabul : HN :–Waxaa gaaray dalka Turkiga gaar ahaan magaalada Istanbul wafuuda Soomaliya iyo Somaliland uga qeyb-gallaya wadda hadallada labada dhinac.

Sida ay sheegayaan wararka wafdiga Somaliland ee ka qeyb-galaya wada hadalada ayaa shalay gaaray Istanbul, iyadoo wafdiga dowladda Soomaaliya u matalayana ay maanta u ambabaxeen Istanbul.

Wada hadalada ayaa la sheegay inay yihiin mid labo dhinac oo ergooyinka ay u wajahayaan qaabab kala duwan, sida arrimaha hawada Soomaaliya iyo arrinta kale ee masiiriga ah.

Wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa, halka ayWadahadalka_Somalia_&_Somalia_1 xubno ka yihiin Wasiirka Warfaafinta Maareeye, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jengeli, Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista Hawada Saciid Qoorsheel iyo xubno kale.

Sidoo kale dhinaca Somaliland ayaa waxaa hogaamin doona Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Cadami iyo wasiiro kale oo uu ku jiro Wasiirka Duulista Hawada.

Wada hadalada ayaa waxaa garwadeen ka noqon doona Wasaaradda Arrimaha Dibada Turkiga, iyadoo sidoo kalena uu goob joog ka noqonayo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Somaliland ayaa walaac ka muujisay sii socoshada wada hadaladan oo tiro dhow jeer ay dib u dhacyo ku yimaadeen, waxaana xubno ka tirsan wafdigooda ay doonayaan in kulamada berri ay noqdaan kuwo si toos ah lagu abaaro arrimaha masiiriga.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!