Wafuud heer caalami ah oo gaartay magaalada Cadaado iyo madaxweynaha oo halkaa laga sugayo

by admin | Thursday, Jul 23, 2015

Cadaado : HN :– Magaalada Cadaado ee xarunta ku-meel-gaarka u ah maamulka Galmudug, ayaa waxaa lagu wadaa in maanta lagu qabto munaasabada calleemo saarka madaxweynaha cusub ee maamulkaas iyo ku-xigeenkiisa.cadaado

Wafuud heer caalami ah ayaa gaartay degmada, kuwaa oo halkaa uga qeyb-galli doonna munaasabada calleemo saarka, waxaana ka mid ah xubnaha iyo ilaa iyo hadda halkaa tagaywakiilka Midowga Yurub Michele Cervone d’Urso, kan IGAD Maxamed Cabdi Afey, wakiilka gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qarammada Midoobay

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud, ayaa lagu wadaa isna uu gaaro goor dhaw magaalada Cadaado, si uu uga qeyb-gallo munaasabada callaamo saarka.

Hasse ahaatee su’aasha leys weydiinayo ayaa ah ka qeyb-galka maamulada kale ee dalka ka jira, madaama horay Puntland iyo Jubbaland u qaadaceen dhismaha mamaulkaas oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!