Wafuuda urur gobolleedka IGAD oo Muqdisho soo wadda gaartay iyo shirka oo beri furmaya

by admin | Friday, Jan 9, 2015

Muqdisho : HN :–Waxaa Muqdisho ku soo dhameystirmay dhamaanba xubnihii ka socday dalalka ku mideysan urur gobolleedka IGAD oo la fillayo in maalinta beri ah oo uu shir uga furmo magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Sida ay sheegayaan wararka dhamaan xubnihii wasiirada Arrimaha Dibada IGAD ayaa soo wada dhameystirmay, iyadoo caawa la filayo in ay ku hoydaan magaalada Muqdisho, kana qeyb galaan xaflad loogu sameynayo xarunta Madaxtooyada.

Wasiirada Arrimaha Dibada Itoobiya, Kenya, Uganda, Sudan iyo Koofurta Sudan ayaa hal diyaarad ay goor dhoweyd ka soo wada dejisay garoonka diyaaradaha Aadan cadde, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay heerkeeda soo dhoweynta wafdiga oo isugu jira qaab amni iyo Paratocol, iyadoo640x427x132.jpg.pagespeed.ic.7YXdJVOlwk saraakiil ka socota Madaxtooyada iyo Wasaarada Arrimaha Dibada ay qaabilsanaayeen hab maamuuska soo dhoweynta.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir h qeybta VIB-da garoonka diyaaradaha ugu qabteen Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibada C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya Dr, Tedros Adhanom iyo Xoghayaha IGAD Maxbuub Macalin ayaa waxay kaga hadlaan imaanshahooda Muqdisho iyo shirka la filayo in maalinta berri uu dhaco.

Shirka Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD ayaa maalinta berri ka furmi doona Hotel ku dhow Xarunta Madaxtooyada oo lagu magacaabo SYL, kaasoo dhowaan dib loo dayactiray, isla markaana si rasmi ah Hotelkaas berri uu u furmi doono

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo fara badan la dhigay wadooyinka, qeybaha wadooyinka ugu muhiimsan ee magaalada ayaa maalintii labaad xiran, iyadoo aanay wax gaadiid ah isticmaaleyn.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!