Wakiil ka socday xafiiska UNSOM oo Beledweyne kula shiray musharixiinta u tagan aqalka hoose

by wadani | Monday, Oct 10, 2016

Beledweyne : HN -” Waxaa goor dhaw ku soo dhamaaday magaalada Beledweyne kulan gaar ah oo dhaxmaray wakiil ka socday xafiiska siyaasada QM ee Soomaaliya UNSOM iyo musharixiinta u taagan qabashada xilka baarlamanka, iyaga oo ka waddda hadlay arrimo dhowr ah.

Wiilka ayaa ka dhageystay musharixiinta tabashadooda la xiriirta soo xulista xildhibaannada iyo arrimaha doorashada guud ahaan dalka, iyaga oo sheegay tiro ka badan 22 xubnood oo musharixiin ah ku sugan yihiin magaalada Beledweyne, islamarkaana diyaar u yihiin in lagu doorto gudaha gobolka Hiiraan.

Musharixiinta, ayaa ku wargaliyay wakiilka ka socday xafiiska QM UNSOM in arintan ay soo farta-galiyaan, iyaga oo ka digay cawaaqibka ka iman kara haddii ay dowladda federaalka ama guddiga doorahada isku dayaan in meel ka baxsan gobolka ku soo xulaan xildhibaannada gobolka ku matalaya barlamaanka dhexe.

Mar uu weydiiyay wakiilka musharixiinta, sidda ay ka yeellayaan ama waxa u qorsheysan in ay sameeyaan haddii ay taa dhacdo oo xildhibaannada lagu soo xulo meel aan aheyn gobolka Hiiraan, ayeey dhinacooda ku jawaabeen musharixiinta in halka [Beledweyne] lagu soo xuli doono xildhibaanno kale, taasoo caqabad ku ah ayeey sheegeen hanaanka doorashada guud ahaan dalka.

Musharixiinta, ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in ay howlan tahay qorshe lagu musuq-maasuqayo xildhibaannada gobolka Hiiraan.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ay si toos ah isku soo hor fariistaan musharixiinta u taagan aqalka hoose ee baarlamaanka oo looga hadlay arrimaha doorashada.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!