Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Mr. Afey oo Garowe booqasho ku tagay

by Yahye | Monday, Oct 13, 2014

Garowe; HN;- Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, waxaa maanta gaaray Wakiilka Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan arimaha Somaaliya.

Wafdigan garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyeen madax ka tirsan maamulka ayaa loo soo galbiyey gudaha magalada Garowe.
Socdaalka Afey ee Garowe ayaa salka ku haya ka qayb galka wadahadalada u socda maamulka Puntland iyo D.Federaalka, iyadoona uu masuulkan kasoo Jawaabay baaqii Puntand ee ahaa inay beesha caalamka goob joog ka noqoto heshiiska maamulka Puntland iyo dowlada federaalka.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in uu meel wanaagsan marayo rajadda laga qabo in heshiiska aay gaaraan labada dhinac.
Raisulwasaaraha oo baryanah ku sugnaa magaalada Garowe ayaa heshiiska uu la soo galo Maamulka Puntland waxaa la filayaa in baarlamaanka la horgeeyo kadibna madaxweynhuhu saxiixo.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!