Wakiilka QM Soomaaliya oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur galbeed

by admin | Sunday, Mar 15, 2015

Baydhabo : HN :–Wakiilka gaar ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaana markii uu halkaasi gaaray uu kulan la yeeshay Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wasiiro ka tirsan maamulkiisa.

Wararka Baydhabo ka imaanaya ayaa intaa ku daraya in kulanka labada mas’uul uu ku saabsanaa sidii loo dardargelinta lahaa Nick_Kay_UN_Envoy_for_Somaliaarrimaha Amaanka, Siyaasadda iyo kuwo kale oo muhiim u ah Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka codsaday in Beesha caalamka in ay taageero balaaran ay siiyaan maamulka curdunka ah ee Koonfur galbeed.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Damjire Nicholos kayo o uu Baydhabo kulan kula yeesho madaxda maamulka koonfur galbeed Soomaaliya, waxaana booqashadan imaanaysaa xilli mas’uuliyiinta maamulka Koonfur galbeed ay sheegeen in ay kooxda UGUS ka saari doonaan dhamaan deegaanada maamulka Koonfur.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!