Waqtiga la dhaarinayo xildhibaannada oo lagu dhawaaqay

by wadani | Saturday, Dec 24, 2016

Muqdisho : HN :- Maamulka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa caawa shaaciyey xiliga rasmiga ah ee ay dhaceyso munaasabadda furitaanka Kalfadhiga Golaha Shacabka.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa caawa shaaciyey in Munaasabadda furitaanka Baarlamaanka loo asteeyey in ay dhacdo maalinta Talaadada ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 27ka December 2016, saacadda 09ka subaxnimo.

“si waafaqsan qodobka 66aad, farqadiisa 1aad ee Dastuurka Federaalka iyo warqadda ku taariikheysan 19ka December 2016 ee guddiga heer Federaal doorashooyinka dadban ee 2016 kusoo saaray natiijada
Xildhibaannada ku guulaystay xubinnimada labada aqal ee Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya waxaan ku  wargelinaynaa Xildhibaannada Baarlamaanka in munaasabadda dhaarinta lagu qaban doono xarunta
Akadeemiyada General Kaahiye ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa ka codsaday Xildhibaannada in ay horey u soo qaataan kaararkooda aqoonsiga si ay ugu fududaato qabsoomidda
munaasabadda.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee hada loosoo doortay ee loo asteeyey munaasabadda furitaanka in ay dhacdo 27ka December ayaa waxaa kulankooda ugu horeeya marka la dhaariyo kadib waxaa laga rabaa iney doortaan guddoonkooda KMGka ah sida uu Dastuurka dalku qabana waxaa noqon doono xubinta ugu da’da weyn ayadoo amrkaasina la go’aamin doono xiliga ay dhaceyso doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo ah Guddoomiyaha iyo Ku Xigeennadiisa.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!