Waran Cadde” Dowladda Soomaaliya shirka Istanbul waxaa ay u dirsatay xubno aan matali karin

by admin | Monday, Mar 2, 2015

Hargeysa : HN :– Wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha Soomaaliland  Cali Max’ed Waran Cadde ayaa sheegay in ay dowladda Soomaaliya caqabad ku tahay sidda uu hadalka u dhigay sii socoshada wadda -hadllad kala dhaxeeya, kaddib markii ay shirka uu soo direen sidda uu hadalka u dhigay shaqsiyaad aan matali karin dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Cali Max’ed Waran Cadde in xubnaha dowladda Soomaaliya u soo dirsatay wadda hadallada yihiin kuwo sidda uu hadalka u dhigay ka tirsan Soomaaliland, laakiin sidda uu yiri u shaqo tagay Muqdisho, siddaa daraadeed aysan meel wadda fadhiisan karin.

“Aad ayeey nooga yaabisay meeshii aan ka sugaynay in ay soo diraan dad Soomaaliya wax u goyn kara oo inala hadli kara ayeey noo warancaddesoo dirreen dad ka soo jeedda Somaliland kuna abtirsada, ballse  u shaqo tagay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale,waxuu sheegay inaysan habeenen dowladda Soomaaliya inay soo dirto dad magan u ah oo u shaqa-tagay,waxuuna sheegay arrintaa inan la aqbali doonin.

Wasiirka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaaan wadahadalada Soomaaliland iyo Soomaaliya, balse ay ka soo horjeesanayaan wax walba oo carqaladeyn kara wada hadalkaasi.

Hadalkan ayaa waxaa uu ku soo aadaya xilli maalintii laabad uusan furman wada-xaajoodkii loo ballan-sana inuu ka furmo dalka Turkiga kaaso u dhaxeeya Soomaaliland iyo dowladda dhexe ee faderaalka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!