Ciidammo ka tirsan dowladda oo ku dagaallamaya degmada Hodan

by admin | Wednesday, May 27, 2015

Muqdisho : HN :–Wararka xiligan naga soo gaaraya degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka dhax qarxay ciidammo ka wadda tirsan dowladda, waxaana lagu waramayaa in dagaallku yahay mid xoogan oo saameyn ku yeeshay dadka ku dhaqan xaafadda Zone Key ee degmadaas.

Ilaa iyo hadda wararka hor dhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in dagaallka ay ku dhinteen saddex askari , iyadoo tiro intaas kaaskari badana way dhaawameen in ku dhow 10-kale, iyadoo shacabkii ku noolaa deegaannada ku dhow halka uu dagaalku ka socdo ay isaga barakaceen.

Dagaallka aya la sheegay in uu ka bilaawday is hortaag qaar ka mid ah ciidammada dowladda ku sameeyeen bur burin lagu wadda dhismayaal ku yaalla warshaddii Kabka ee magaalada Muqdisho.

Ciidammada is hortaaga sameeyay aya la sheegay in ay toogasho ku dilleen mid ka mid ah darawalladii waday cagaf-cagafyadii dumin lahaa dhismayaasha Warshada Kabka Millateriga laga dhisay, dagaalkuna uu sidaas ku billowday.

”Hub culus ayeey labada dhinac isku adeegsanayaan dadku waxaa ay bilaabeen in ay guryahooda iaba isaga cararaan, iyaga oo ka cabsi qaba wax yeello ka soo gaarta dagaallka, ayuu yiri” qof degan xaafadda uu dagaalka ka socda.

Hay’adaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin iska Horimaadka ku dhexmaraya degmada Hodan Ciidamada Dowladda Somalia, iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay deegaankaas ku dagaalamaan ciidamada dowladda Somalia.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!