C/kariin Xusseen Gulleed oo kalsoonida lagala laabtay

by wadani | Tuesday, Jan 10, 2017

Cadaado : HN :- Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa goordhaw codka kalsoonida waxa ay u qaadeen Madaxweynaha Maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed oo horey mooshin looga gudbiyay.

Kulanka Baarlamaanka Galmudug waxaa soo xaadiray 54-Xildhibaan waxaana shir gudoominayay Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka maamulkaasi Xareed Cali Xareed, waxaana ajandaha kulanka uu ahaa kalsooni kala noqoshada Madaxweynaha Galmudug.

Kadoodista Mooshinka kadib ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudg waxa ay cod u qaadeen Mooshinkii laga soo gudbiyay Madaxweyne Cabdi Kariin Xuseen Guuleed, waxaana Baarlamaanka cod gacan taag ah ugu codeeyeen in ay kalsoonida kala noqdeen Guuleed.

Xildhibaan Cabdikariin Cumar Axmed oo katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa noo sheegay in dhamaan Xildhibaanada 54-ta ah ay u codeeyeen in kalsoonida kala noqdaan Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed.

Ciidamo katirsan Maamulka Galmudug ayaa ku fashilmay in ay baajiyaan kulanka Baarlamaanka ee maanta Kalsoonida lagala noqday Madaxweyne Guuleed, waxa ayna Ciidamada goor sii horeesay isku hareereeyeen guriga Gudoomiye kuxigeenka Baarlamanaka si uusan kulanka u furmin.

Madaxweynaha Galmudug ee maanta waayay kalsoonida Baarlamaankii horey u soo doortay ayaa la ogeyn go’aanka uu qaadan doono, waxaana laga yaabaa in uu diido go’aanka ay maanta gaareen Baarlamaanka Galmudug.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!