C/kariin Xusseen Guulleed oo ku guuleystay xilka madaxweynaha Galmudug

by admin | Saturday, Jul 4, 2015

Cadaado : HN :– Waxaa goor dhaw si rasmi ah loogu dhawaaqay natiijada doorashada xilka madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug, kaasoo uu guuleystay C/kariin Xusseen Guulleed oo tartan adag la gallay gallay musharax Axmed Macalin Fiqi.

Inkastoo wareegii labaad uu ku haray Axmed C/sallaan Xaaji Aadan oo helay 15 cod ayaa waxaa siweyn isha loogu wadda hayay halka codadka Axmed C/sallaan ku biiri doonaan, hasse ahaatee marka la eego tirada ay kala helleen labada musharax C/kariin Xusseen Guulleed oo hellay 49 cod iyo Axmed Macalin Fiqi oo hellay 40 cod, waxaa ay taa muujineysa in labada mushWASIIRKA-ARIMAHA-GUDAHAarax ay kala qaateen 7 cod oo koradhay C/kariin Xusseen Guulleed oo wareegii hore keenay 42 cod iyo Axmed Macalin Fiqi ka hellay 8 cod madaama uu wareegii hore keenay 32 cod.

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacan Casir ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, isaga oo sheegay in C/kariin Xusseen Guulleed yahay madaxweynaha mamulka gobollada dhexe ee Galmudug, isaga oo hellay codad gaaraya 49 cod.

Madaxweynaha cusub ee Maamul Goboleedka Galmudug ayaa waxaa hor-yaala caqabado dhowr ah oo ay ka mid tahay arrimo badan oo looga fadhiyo in maamulkiisa uu ka gudbo.

C/kariin Xuseen Guuleed waxaa uu horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, iyadoo markii dambe uu iska casilay xilka Wasiirka Amniga markii lagu eedeeyay inuu ku fashilmay wax ka qabashada arrimaha amniga.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!