Codeyntii kalsooni kala noqoshada xukuumada RW Somali oo la guda-gallayo

by admin | Saturday, Dec 6, 2014

Muqdisho : HN :– Waxaa gabi ahaanba soo dhamaatay doodii xildhibaannadii ka dhinaa in ay aragtooda ka dhiibtaan mooshinka laga soo gudbiyay ra’iisal wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Max’ed iyo xukuumadiisa, waxaana lagu waddaa in daqiiqadaha nagu soo foolka leh si rasmi ah ay u bilaabato cod u qaadista mooshinka.

Pro Max’ed Cismaan Jawaari oo shir guddoominaya kulanka ayaa u yeeray howl wadeenada Baarlamaanka oo la dhaarin doono, kuwaasooBREAKIN la sheegay inay tirin doonaan cododka Xildhibaanada.

Kulanka Baarlamaanka ayaa ku furmay jawi deganaan leh, iyadoo ilaa 31 xildhibaan oo harsaneyd ay soo gaba gabeeyeen doodii mooshinka.

Wararka ka soo baxaya xarunta gollaha shacabka ayaa sheegay in salaada Duhur ka hor laga yaabo in la soo afjaro arrinta mooshinka oo ay xildhibaannadu cod galiyaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!