C/qaadir Cosoble oo ku guuleystay xubinnimada aqalka hoose doorasho ka dhacday Jowhar

by wadani | Friday, Nov 18, 2016

Jowhar : HN :-C/qaadir Cosoble ayaa goor dhaw ka adkaaday musharixiin uu wattay Xassan Sheekh Max’uud kaddib doorasho adag oo goor dhaw ka dhacday magaalada Jowhar.

Doorashada Kursiga Xildhibaannimo ee Beesha Warsangeli Abgaal ayaa aheyd mid aad u adkeyd, oo ay ku loolamayeen Muxiyadiin Xasan Jurus iyo C/qaadir Cosoble Cali..

Labada nin ayaa dhaqaale aad u fara badan geliyay sidii uu mid walba uu u guuleysan lahaa, iyadoo Muxiyadiin Xasan Jurus uu taageero ka helayay Madaxtooyada.

Ugu danbeyntii, C/qaadir Cosoble ayaa ku badiyay 34 cod, halka Muxiyadiin Xasan Jurus uu helay 17 cod, sidaas waxaa kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Warsangeli Abgaal ku guuleystay C/qaadir Cosoble oo markii labaad noqday Xildhibaan.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!