Cumar C/rashiid oo goor dhaw loo magacaabay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya

by admin | Wednesday, Dec 17, 2014

Muqdisho : HN :– Madaweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa goor dhaw si rasmi ah uga dhawaaqay in ra’iisal wasaaraha saddexaad dowladda uu hogaamiyo uu noqonayo Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo badali doona Cabdiwal Sheekh Axmed Max’ed.

Madaxweynaya ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha badalaya Cabdiwali Sheekh Axmed Max’ed uu u doortay in uu noqdo Cumar C/rashiidSharmarke Cali Sharma’arke, isaga oo u rajeeyay ra’iisal wasaaraha cusub in uu soo dhiso xukuumad tayo leh sidda ugu dhaqsiyaha badan.

Sharma’arke oo horay ra’iisul wasaare ka soo noqday Soomaaliya dowladdii KMG ahayd sannadihii 2009-kii illaa 2010-kii, isagoo xilka uga tagay khilaaf soo dhexgalay isaga iyo madaxweynihii xilka hayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Lama oga magacaabista Cumar C/rashiid waxa ay ka badali doonto inta badan is qab-qabsiyada ay ku caan-baxeen madaxweynayaashii soo maray dalka iyo ra’iisal wasaarayaashoodii, waxaana xusid mudan in madaxweynaha maanta ku dhawaaqay ra’iisal wasaaraha Xassan Sheekh Max’uud uu horay shaqada uga eryay labo ra’iisal wasaaraha kaddib khilaaf soo kala dhax-gallay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!