Dhimasho baahsan oo ka dhacday magaalada Makkah

by admin | Thursday, Sep 24, 2015

Makkah : HN :– Warar goor dhaw oo baxay ayaa sheegaya in ku dhawaan 310 ruux ku geeriyoodeen tiro kale oo intaa ka badanna soo gaareen dhaawacyo kala duwan xili dadkan sidda la sheegay ku-guda-jireen gudashada wajibaadka xajka ee saacadihii ugu danbeeyay.

Sida laga soo xigtay saraakiisha difaaca madaniga dalka Sacuudiga dadka ayaa dhintay kaddib markii ay isbuurteen, lana kulmeen ciriir b738dbc7590b4b0393e6b568abd3ba92_18xad dhaaf ah, taa oo keentay in tiro badan oo ka mid ah dadka xujeyda ah dhinteen, halka kuwa kalana ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Shaqaallaha caafimaadka dalka Saudi Arabia ayaa siweyn ugu howlan la tacaalida xaalad cusub ee korartay, ilaa iyo haddana waxaa suurtagal ah in dhimashadu intaa ka sii korarto.

Horaantii bishan ayaa wiish ku soo dul dhacay masjidka Xamarka waxaa ku geeriyooday tio ka badan 100 ruux, dad kalana ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!