Isku shaandheyn kooban oo lagu sameeyay gollaha wasiirrada

by admin | Saturday, Oct 25, 2014

Muqdisho : HN :– Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Max’ed ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa waxaa isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah xubnaha gollihiisa wasiirrada.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa warbaahinta dowladda si toos ah uga aqriyay war saxaafadeedka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha ee isku shaandheynta Golaha Wasiirada.

Isku shaandheynta oo aheyd mid lama filaan ah ayaa waxaa la isku bedelay Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka loo magacaabay Saalimraisal Caliyow Ibrow, halka Faarax Sheekh C/qaadir oo xilkaas hayay loo dhiibay Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

Isku shaandheyntan oo aheyd mid kooban ayaan wada saameyn dhamaan Golaha Wasiirada oo dhan, hase ahaatee wasiirka kaliya ee sida tooska ah u saameysay ayaa ah Faarax Sheekh C/qaadir oo ahaa Wasiirkii Garsoorka iyo Cadaalada, iyadoo Faarax lagu tiriyo xubnaha aadka ugu dhow Madaxweynaha.

Lama oga in Madaxweynaha uu wax ka og yahay arrintan iyo in kale, waxaana loo arkaa dagaal siyaasadeed oo bilow ah, maadaama Ra’iisul Wasaaruhu uu qaaday tallaabo aan horay looga filaneyn.

Hadaba halkan aqriso isku shaandheynta iyo sida Wasiirada, Wasiir kuxigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha la isku bedelay

1-Wasaarada Garsoorka iyo Dastuurka Saalim Caliyow Ibrow
2-wasaarada xanaanada xoolaha dhirta iyo Daaqa Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed
3-Wasiiru dowlaha Wasaarada Maaliyada Burci Maxamed Xamza
4-Wasiiru dowlaha Wasaarada arrimaha Dibada C/llaahi Maxamed Nuur
5-Wasiir kuxigeenka arrimaha dibada C/raxmaan Cabdi Cismaan
6-Wasiir kuxigeenka Maaliyada C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow
7-Wasiir kuxigeenka Wasaarada Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga Mahad Maxamed Salaad
8-Wasiir kuxigeenka Ganacsiga iyo warshadaha Fahmo Axmed Nuur

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!