Diyaarada sidda madaxweynaha dalka Mareykanka Obama oo daqiiqado yar kaddib laga sugayo Nairobi

by admin | Friday, Jul 24, 2015

Nairobi : HN :–Wararka ka imanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa sheegaya in siweyn loogu diyaar garoobay soo dhaweynta madaxweynaha dalka Mareykanka oo la fillayo in diyaarada sidda daqiiqado kaddib soo caga-dhigato garoonka Jomma Kenyata.

Ammniga guud ahaan magaalada Nairobi ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ciidammo gaar u tababar oo ka yimid dalka Mareykanka, kuwaa oo ku hubeysan diyaarado dagaal iyo gadiid casri ah.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo Madaxweyne Mareykan ah uu ku tago Kenya, isagoo joogi doona saddex maalmood2015724635733289607069471Obama_oo_Gaaray_Nairobi (1) oo uu kaga Qayb-galayo Nairobi shir looga hadlayo Ganacsiga iyo hal-abuurka ganacsiga.

Madaxda ugu sareysa dalka Keny, wasiiro, xildhibannno, saraakiil sare sare oo ka tirsan dowladda Kenya, iyo dad u diyaarsan soo dhaweynta madaxweynaha ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta.

Maalmaha uu Obama joogo Nairobi ayaa lagu wadaa in uu la kulmo Ayeeyadiis dhashay Aabbihii Sarah Obama iyo xubno kale oo Qoyskaas ka tirsan, taasoo noqonaysa in uu Qoyskii uu aabbihii ka soo jeeday la kulmo isagoo ah Madaxweynaha Mareyknaka.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

Hiiraan Net,

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!