Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo kulan ku leh Gaalkacyo

by wadani | Wednesday, Dec 2, 2015

Gaalkacyo : HN :–Wararka xiligan naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa sheegaya in goor dhaw halkaa kulan uga bilaawday madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug Cabdiwali Max’ed Cali Gaas iyo C/kariin Xusseen Guulleed.

Kulanka ayaa waqtiga ka soconaya garoonka magaalada Gaalkacyo, waxaana goob joog ka ah ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, waxaana lagu waddaa in labad dhinac ay halkaa ku saxiixaan hishiis ka kooban afar qodob.

Madaxda-Galmudug-iyo-PuntlandQodobada lagu waddo in ay saxiixaan labada madaxweyne ayaa  kala ah In xabada la joojiyo. Ciidamada la kala qaado, dadka barakacay la soo celiyo. Iyo in  la sameeyo Guddi ka wada hadlaya wixii dhacay.

Madaxda Puntland iyo Galmudug ayaa la filayaa inay is gacan qaadaan, oo heshiis dhab ah wada saxiixaan, waxaana arrintan dadaal u galay sidii labada dhinac la isugu keeni lahaa Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda la socotay iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Inkastoo kulanka labada madaxweyne xiligan uu ka soconayo magaalada Gaalkacyo ayaan la ogeyn sidda uu dhaqan-gal ku noqon karo hishiis oo dad badani u arkaan in aan lagu soo darrin qodobo muhiim u ahaa soo afjarida colaada Gaalkacyo.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!