Madaxweyne C/wali Gaas oo isaga baxay shirka wadda-tashiga siyaasada Soomaaliya

by admin | Sunday, Sep 20, 2015

Muqdisho : HN :– Wararka ka soo baxaya madasha shirka wadda-tashiga siyaasada Soomaliya ayaa sheegaya in uu shirka isaga baxay madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas, oo siweyn uga biyo diidan ka qeyb-galka shirka ee maamul gobolleedka Galmudug oo uu arko in uusan aheyn maamul sharci ku dhisan.

Siddoo kale wararku waxaa ay intaa ku darrayaan in uu madaxweyne C/wali Gaas ka biyo diiday in uu gallo wadda-hadallo lagu

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

hishiisinayo maamulka Puntland iyo Galmudug, waxaana intaa wararku ku darrayaan in hadda ay socdaan dadaallo la doonayo in dib loogu soo celiyo shirka.

Shirkaan oo furmay maalintii shalay ahayd ayaa waxaa looga hadlay arrimaha wada tashiga dowladda iyo maamul gobaleedyada iyo sidii looga bixi 2016-ka, waxaana lagu wadaa in lagu dhisi shirkaa gole wadatashi qaran.

Wixii warar ah ee ka soo baxa waan idin soo gudbin doonnaa…

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!