Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Muqdisho gaaray

by admin | Saturday, Feb 21, 2015

Muqdisho : HN ;– Waxaa goor dhaw ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo, kaasoo la fillayo in uu magaalada Muqdisho uga qeyb-gallo munaasabada xuska maalinta afka hooyo.

Waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay madaxweynaha madaxda ugu sareysa Qaranka oo uu ugu84 horeeyo madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud.

Imaashiyaha madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa ku soo beegmeysa xili maalintii shalay Muqdisho uu ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo ay dad badni ku dhinteen kana mid yihiin dadka dhintay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!