Max’ed Mursi oo lagu xukumay dil

by admin | Saturday, May 16, 2015

Qaahira : HN :– Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maxkamad ku taalla dalka Masar dil ku xukuntay madaxweynaha xukunka laga tuuray ee Max’ed Mursi oo hadda xabsi ku jira.

Max’ed Mursi ayaa horay loogu riday xukun dhan  20-sano oo xabsi ah, kadib amar la sheegay in uu ku bixiyay in la xiro lana jirdilo dibad baxayaan, xilligii uu xukunka hayay.

Garsoorka dalka Masar ayaa hada laga sugayaa inuu la tashto Muftiga ugu sareeya diinta, si hadii shareecada waafaqsan tahaymurs1 xukunkaas u shaaciyo, waxaana laga sugayaa go’aan inuu gaaro 2 bisha June.

Maxamed Mursi ayaa bishii July ee sanadkii 2013 waxaa xukunka ka tuuray Milateriga, kadib dibad baxyo ballaaran oo ka dhacayay wadooyinka, kaasoo looga soo horjeeday xukunkiisa.

Sidoo kale waxaa Maxamed Mursi waxaa dilka lala xukumay boqol kale oo iyana lagu eedeeyay inay qeyb ka ahaan xabsigii la jebiyay sanadkii 2011, intii uu socday kacdoonkii ka dhanka ahaa Xusni Mubaarak

Tan iyo markii dowladda Masar ay mamnuucday Ururka Ikhwaanul Muslimiinka, kuna tilmaamtay urur argagixiso ayaa waxaa xabsiga la dhigay kumanaan ka tirsan taageerayaashooda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!