Qalalaase durbaba ka taagan xarunta gollaha shacabka

by admin | Monday, Nov 24, 2014

Muqdisho : HN :– Wararka xiligan naga soo gaaraya xarunta gollaha shacabka ayaa sheegaya durbaba uu fadhiga hareerayay buuq iyo fowdo ay sameynayaan xildhibaannada la safan ra’iisal wasaaraha xukuumada Sooomaaliya, xili wali uusan soo xaadirin fadhiga guddoonka baarlamaanka.

Wararku waxaa ay xildhibannada taageersan ra’iisal wasaaraha bilaabeen inay saxiixaan buuga xaadirinta ay xildhibaanadii kale ee ka soo horjeeda ay iyana jeexeen oo ay dhamaan la wareegeen.

Inkastoo aan wali si rasmi ah u furmin kulanka, hadana xildhibaanada wali waa ku sii qul qulayaan, waxaana muuqata saan saan ku aadan inBREAKIN fadhiga Baarlamaanka uu mar kale maanta hareeyo buuq iyo fowdo.

Wararku waxa ay sheegayaan in guddoomiyaha baarlamaanka  wali uusan soo xaadirin xarunta, waana astaan kale oo muujineysa in fadhiga Baarlamaanka uu qalalaaso ka taagan yahay, marka la eego waqtigana waa uu sii socdaa, maadaama horay Xildhibaanada loogu balamay inay soo xaadiraan 9:00 subaxnimo.

Ammaanka xarunta golaha shacabka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la ogeyn go’aanka uu qaadan doono gudoonku, mar hadii ay bilaabatay in Xildhibaanadu ay jeex jeexaan buugii xaadirinta ee lagu ogaan lahaa xildhibaanada ka soo qeyb galay kulanka.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!