War deg deg ah” qarax gaari oo goor dhaw ka dhacay Muqdisho

by wadani | Sunday, Oct 23, 2016

Muqdisho : HN : -Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyooday saddex kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu gaari ay saarnaayeen waxyaalaha qaraxa uu ku qarxay inta u dhexeysa Isgoyska Boondheere iyo Taallada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaan la ogeyn ujeedada laga lahaa iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhashay gaari ku sugnaa goob gaadiidka lugaha loogaga sameeyo ama goomiiste ku yaal agagaarka taalada daljirka dahsoon.

Gaadiidka gurmadka iyo ciidamo ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay iyadoo ay ciidamadu xireen wadadaas.Mana jirro cid sheegatay qaraxan ka dhacay caawa magaalada Muqdisho,

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!