Qarax goor dhaw ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama

by admin | Wednesday, Mar 11, 2015

Muqdisho : HN :–Qarax xoogan oo dhawaqiisa siweyn looga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa goor-dhow ka dhacay jidka muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama, kaasoo aan illaa hadda la ogeyn wixii khasaaro ah ee ka dhashay iyo cidda lala beegsaday.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa oo la sheegay in uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, wuxuuna ka dhacayQarax-Muqdisho-2-Bartamaha isgoyska dabka meel ku dhow.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray, kuwaasoo xiray goobta oo dhan, iyadoo ay adag tahay in xog badan laga ogaado qaraxan iyo sida uu u dhacay.

Inkastoo xilliga qaraxu dhacayay saacada Muqdisho ay aheyd 7-dii fiidnimo, hadana markii uu dhacay ayaa lagu kala yaacay goobo badan oo ku yaala Jidka Maka Al-Mukarama, halkaasoo dadka ay isugu yimaadaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!