Qarax ismiidaamin ah oo lagu weeraray ciidammo ka tirsan dowladda

by admin | Sunday, Jan 4, 2015

Muqdisho : HN :–Weerar ismiidaamin ayaa goor dhaw ka dhacay meel ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo lagu weeraray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia, iyadoo qaraxa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Sidda goob joogayaal sheegayaan qaraxa ayaa lala eegtay gaadiid ay wateen ciidammo ka tirsan kuwa nabadsugiddaqarax-maxkamad-4 Soomaaliya oo marayay agagaarka Afasiyoone oo ahayd xeradii ciidamada cirka ee Somalia, iyadoo aan la ogeyn illaa hadda khasaaraha ka dhashay.

Ciidamadan qaraxa lagu weeraray ayaa u socday dhinaca garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo la sheegay in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay mid ka mid ah gaadiidkii ay ciidamadan wateen.

Halka uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa soo buuxiyay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo billaabay inay rasaas furaan, waxayna xireen goobta uu qaraxu ka dhacay, iyadoo aysan jirin cid geli karta.

Wararkii ee soo kordha waan idin soo gudbin doonaa…

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!