Ra’iisal wasaare Sharma’arke oo tagay xarunta baarlamaanka

by admin | Saturday, Jan 31, 2015

Muqdisho : HN :– Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo u muuqda shaqsi wadnaha fartaha uga haya waxa uu kala kulmi doono maanta mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa goor dhaw tagay madasha ay ku shirsan yihiin xildhibaannada, isaga oo la fillayo in uu khudbad ka horjeediyo.

Wararka laga hellayo xarunta gollaha shacabka ayaa sheegaya in ra’iisal wasaaraha uu ka hor aqrin doono xildhibaannad codsi uu ku doonayo in fursad loo siiiyo mudo 7 cisho ah oo uu ku soo dhameystiro xubnaha ka dhisan xukuumadiisa, codsiga ka dibna laama garanayo xildhibaannada oo u muuqda kuwo aan ku qancsaneyn dalabka uu la soo shir tagay ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.

Fadhiga waxa hadda xaadir ku ah oo fadhiya ilaa 230 xildhibaan kuwaa oo u diyaar ah in ay codka kalsoonida u qaadaan, waxaana xusid mudan in tirada meesha fadhisa ka mid yihiin xildhibaannada ku mideysan Kudladaha isku tagay ee sidda weyn u diidan gollaha wasiirrada.

Lama oga sidda ay saacadaha soo socda wax isku badalli doonaan laakiin mar walba waan idin soo gudbin doonaa…

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!