Shariif Xassan oo loo doortay madaxweynaha maamulka K-galbeed

by admin | Monday, Nov 17, 2014

 Baydhabo : HN :– Wararka xiligan naga  soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in goor dhaw la soo gabagabeeyay doorashadii madaxweynaha maamulka saddexda gobol ee K-galbeed oo loo doortay in uu noqdo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh.

Cod gacan taag ayaa ergooyinka ay ugu codeeyeen Shariif Xasan, 373 ayaa siisay codka Shariif Xasan Sheekh Aadan, halka 15 ay diiday 8 ay ka aamustay, waxaana uu sidaas Shariif Xasan ku noqday madaxweynaha maamulka K-galbeed Soomaaliya ee saddexda gobol.

Shariif Xasan ayaa durba loo dhaariyay markii xilkan loo doortay, waxaana lagu wadaa inuu galabta u ambabaxo magaalada Nairobi, si uusharifxirtiis uga soo gudbo magaalada Copenhagen oo uu uga qeyb galo shirka New Deal.

War saxaafadeed saakay ka soo baxay Gudoomiyaha Baarlamaanka ayuu ku sheegay in aanay dowladda federaalka aqoonsan doonin natiiko kasta oo shirka ka soo baxday, kadib markii Madaxda dowladda ay todobaadkii hore ku baaqeen in la hakiyo shirkan muddo labo todobaad, hase ahaatee aan dheg jalaq loo siin.

Dibadbax rabashado wata oo ka dhacay magaalada intii uu socday shirka ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dadweyne careysan ay gubeen taayaro.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!