Wasiirkii arrimaha dibada Soomaaliland iyo wasiiru-dowlihii madaxtooyada oo is casilay

by admin | Monday, Oct 26, 2015

Hargeysa : HN :–Wararka naga soo gaaraya xiligan magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqeen in ay iska casileen  xilalkii ay ka hayeen maamulka Soomaaliland.

Wasiirada is casilay ayaa waxaa ka mid ah wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Cadami.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Cadami ayaa ka mid ah Wasiirada aadka ugu dhow Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

maxresdefaultLabada Wasiir ayaa si rasmi ah u faah faahin sababta ay isku casileen, hase ahaatee ay salka ku heyso khilaafka ka dhex taagan Xisbiga Kulmiye dhexdiisa oo maalmihii la soo dhaafay ay isa soo tarayeen musharaxiinta isu soo taagayay jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas.

Dhinaca kale waxaa iyana ku dhawaaqay inay is casileen wasiirka Shaqada iyo wasiirka Cadaaladda Dr Cabdi Aw-Daahir iyo Xuseen Axmed Ceydiid.

Wixii warar ah ee arrintan ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

Hiiraan net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!