Weerar ismiidaamin ah oo goor ka dhacay hoteelka Aljazeera ee magaalada Muqdisho

by admin | Sunday, Jul 26, 2015

Muqdisho : HN :–Qarax oo weyn oo inta badan gilgilay xaafaddaha degmooyinka gobolka Banaadir, ayaa goor dhaw ka dhacay afafka hore ee hoteelka Aljazeera ee magaalada Muqdisho.

Warar hor dhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday gaari nooca iska rogaha ah, waxaana lagu bartilmaameedsaday hoteelka oo ka mid ah hoteellada ugu caansan caasimada oo ay degan yihiin inta badan diblumaasiyiinta dowladdaha shisheeye.qaraxa-Muqdisho

“Gaari ay Waxyaabaha Qarxa ka buuxaan oo la dhigay Dhisme ay Daggan tahay Hay’ad Amni oo u shaqeysa Qaramada Midoobay oo ay yaalleen gaadiid fara badan, xalaadduna waa mid cakiran,” ayuu yiri goobjooge ku sugan meel ku dhow Hotel Jaziira.

Illaa Hadda lama Oga khasaaraha rasmiga ah ee Qaraxan ka dhashay, iyadoo Goobta uu ka dhacay Qaraxan Is-miidaaminta ah oo ay ku dhow yihiin dukaamo ay shacabku si aad ah uga Adeegtaan.

Ciidammo fara badan oo isugu jira kuwa dowladda iyo ilaalada Hoteelka Jaziira iyo kuwa hay’adda UNDP-da ayaa xiray waddada, kuwaasoo mararka qaarkood rasaas cirka u ridaya, iyadoo aan dadka iyo gaadiidka loo diiday inay Waddada Garoonka Diyaaradaha maraan.

Kaddib Qaraxa ayaa waxaa la maqlayay rasaas dhacaysa, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka Dhashay, iyadoo Qaraxan uu kusoo Beegmayo Xilli Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ay maalmo ka hor kala Wareegeen Al-shabaab degmooyinka Diinsoor ee Gobolka Bay iyo Baardheere oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!