Weerar ismiidaamin ah oo goor dhaw lagu qaaday mid ka mid ah hoteellada Muqdisho

by admin | Friday, Feb 20, 2015

Muqdisho : HN :- Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu waramayaa in uu goor dhaw uu weerar ismiidaamin ah ku qaaday mid ka mid ah hoteellada ugu caansan magaalada Muqdish ooo lagu magacaabo hoteel Central oo ku yaala degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo ahaa labo ayay wararku sheegayaan in qaraxyada ay saameeyaan Hotelada Central iyo Naasahablood 2 oo ah labo hotelHoteel_Centeral_Muqdisho isku dhegan.

Xiligan qaraxyada lagu soo beegay ayaa aheyd xilligii Salaadii khudbada ee Jimcaha, lamana oga ilaa iyo hada khasaaraha uu geystay, hase ahaatee gawaarida gurmadka deg dega ayaa goobta qaraxyadu ka dhaceen ku qul qulayay.

Hotelka la weeraray ayaa ka mid ah hotelada muhiimka ah ee ku yaala faras magaalaha, kaasoo ay degan yihiin mas’uuliyiinta dowladda iyo dadka qurbaha ka yimid.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonaa…

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!