Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday dugsi lagu tababaro ciidammada, Muqdisho

by admin | Sunday, Jun 21, 2015

Muqdisho : HN :– Waabarigii hore ee saakay ayaa laga maqlay degmada Shibis ee gobolka Banaadir qarax xoogan iyo is-rasaaseyn culus, kaddib markii weerar ismiidaamin ah lagu qaaday dugsi lagu tababaro ciidammada oo ku yaalla degmadaas, waxaana qaraxa kaddib halkaa ka bilaawday dagaal culus oo dhaxmaray ciidammada ammniga dowladda iyo rag hubeysan.

Wararka ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu weeraray dugsiga oo ahaa goob lagu tababaro ciidammada nabad-sugida Qaranka.

Qaraxa ayaa halka uu ka dhacay ay ku dhow-dahay Iskuulkii Shibis oo ku dhow Maxfalka, waxaana halkaas la sheegay in is rasaaseynqarax_undp_17 muddo socotay ku dhex martay ciidamadii ilaalada ka ahaa iyo rag hubeysan.

Warar qaar ayaa sheegaya in ragga weeraray halkaas ay qaldeen bartilmaameedka oo aanay gelin iskuulka, waxaana jira khasaaro ka dhashay weerarkaas oo ay ku jiraan dad rayid ah oo degenaa guryo ku dhow halka weerarka ka dhacay.

Max’ed Yuusuf Cismaan afhayeenka wasaarrada ammniga ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka ragga hubeysan ku soo qaadeen Iskuulka Shibis, isagoo xusay inay dib ka soo sheegi doonaan wixii khasaare ah.

Weerarkan saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa noqonaya kii u horeeyay tan iyo markii ay bilaabatay bisha Ramadaan, iyadoo Al-Shabaab ay horay ugu goodiyeen inay kordhinayeen weerarada bisha Ramadaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!