Xildhibaannada oo aqbalay codsiga ra’iisal wasaaraha

by admin | Saturday, Jan 31, 2015

Muqdisho : HN :– Kaddib kulan wadda-tashi ah oo ay qaateen guddoomiyaha baarlamanka iyo ku-xigeennadiisa, ayaa markii ay dib ugu soo laabteen fadhiga, waxaa ay xildhibaannada ku war-galiyeen in cod loo qaadayo codsiga ra’iisal wasaaraha ee ah in la siiyo 10 cisho oo raad ah, waxaana uu guddoomiyuhu u sheegay xildhibaannada haddii ay diidaan codsiga ra’iisal wasaaraha, taa macnaheedu noqonayo in dalka aysan wax xukuumad ah ka jirin, ra’iisal wasaarahana la siin doono mudo 30 cisho ah oo raad ah si uu u soo dhiso xukuumad kale.

Markii uu intaa soo jeediyay guddoomiyaha baarlamaanka ayeey xildhibaannadu cod ku ogolaadeen codsiga ra’iisalMudane-Jawaari wasaaraha lana siiyo waqtiga 10-ka cisho ah ee uu qabsaday si u soo dhameystiro xukuumadiisa.

Ilaa 139 Xildhibaanada ayaa u codeeyay codsiga Ra’iisul Wasaaraha, halka 47 Xildhibaan ay diideen codsigaas, waxaana natiijada ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka oo mar kale sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu heysto 10 cisho dheeraad ah oo uu ku soo dhameystirayo Xukuumadiisa.

Ra’iisal wasaare Sharma’arke ayaa looga fadhiyaa in muddo 10 cisho gudaheed ah uu ku soo dhameystiro xukuumada kaddibna la horkeeno baarlamaanka Soomaaliya si loogu weydiiyo codka kalsoonida.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!