Xukuumada oo codka kalsoonida ka heshay baarlamaanka Soomaaliya

by admin | Monday, Feb 9, 2015

Muqdisho : HN :– Xukuumada Soomaaliya ayaa goor dhow heshay codka kalsoonida, kadib markii ay heshay 191 cod, halka 22 ay diiday, iyadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ku dhawaaqay inay Xukuumada ay tahay ansax.

Fadhiga baarlamaanka oo ahaa mid aan caadi aheyn ayaa ku furmay 213 Xildhibaan, iyadoo Gudoomiye Jawaari oo shir gudoominayay uu ugu horeyn ku wargeliyay Xildhibaanada inay cod u qaadaan in shaqada la sii wado iyo in tacsida loo baajiyo, kadib markii la dilay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay ayaa ka codsaday Xildhibaanada i nay ansixiyaan Xukuumada, waxaana kadib Gudoomiyaha uu ku dhawaaqay in cod loo qaado, iyadoo Xildhibaanada oo fadhiyay lix saf ay codka gacan taag ah u qaadeen.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari oo gaba-gabadii ka hadlay kulanka ayaa sheegay in 191 Xildhibaan ay codka kalsoonida siiyeen Xukuumada, 22 Xildhibaana ay diidan, mana jirto cid ka aamustay, waxaana Gudoomiyuhu cadeeyay in Xukuumada ay ansax ah oo ay heshay codka kalsoonida.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Qaranka Avv. Ceydiid Ilka xanaf ayaa hada dhaarinaya Wasiirada cusub ee Xukuumada, waxaana mid mid loogu yeerayaa Wasiirada si loo dhaariyo.

Ansixinta ayaa meesha ka saareysa wal wal ra’iisal wasaaraha uu ka qabay in mar kale baarlamaanku ku soo celiyay xukuumadii uu dhawaan soo dhisay, waxaa hadda u furan gollaha xukuumada cusub ee ay qabsadaan waajibaadkii loo idmaday.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!