War deg deg ah”Madaxweyne Xassan Sheekh oo goor dhaw gaaray Beledweyne

by admin | Thursday, Oct 23, 2014

Beledweyne : HN :– Madaxweynaha dowladda iyo Soomaaliya iyo wafdi ka kooban labada golle ee dowladda Soomaaliya ayaa goor dhw ka soo degay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, waxaana siweyn ugu soo dhaweeyay halkaa mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo, odayaasha dhaqanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa loo soo galbiyay xarunta ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin dulleedka magaalada Beledweyne, isaga oo halkaasomali-president-hassan-sheikh-mohamud kulamo kula leh waqtigan mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo odayaasha dhaqanka.

Lama oga rasmi ahaa waxa ay ka wadda hadallayaan madaxweynaha iyo odayaasha, hasse ahaatee waxaa loo badinayaa in ay ka wadda hadallaan arrimo la xiriira dibadbixii dhawaan ka dhacay Beledweyne ee looga soo horjeeday ciidamada Jabuuti iyo arrimaha ku saabsan dhismaha maamul gobolleedyada.

Kulanka labada dhinac marka uu soo dhamaado ayaa la fillayaa in warbaahinta ay la hadlay warbaahinta warbixin laga siiyo socdaalka madaxweynaha iyo wax yaabihii ay ka wadda hadlleen isaga iyo wafdigiisa odayaasha dhaqanka.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!