Ismiidaamin lagu weeraray gadiid ay la socdeen diblomaasiyiin imaaraadka Carabta

by admin | Wednesday, Jun 24, 2015

Muqdisho : HN :–Weerar xooggan oo ismiidaamin ah  ayaa goor dhoweyd ka dhacay degmada Hodan, kaasoo ahaa mid ismiidaamin ah oo lagu weeraray kolonyo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta.

Wararka ayaa sheegaya in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray kolonyodedeg Diblomaasiyiin iyo saraakiil Imaaraadka carabta ka tirsan.

Ilaa iyo hadda dhab ahaan looma oga khasaaraha rasmiga ee ka dhshay weerarkaas, iyadoo qaraxa uu ahaa mid aad u xoogan oo laga maqlay inta badan degmooyinka Muqdisho.

Imaaraadka carabta ayaa taageero siisa dowladda federaalka, waxayna dhowaan ugu deeqday qalab milateri oo ay ku jiraan gaadiidka dagaalka, sidoo kale xero lagu tababaro ciidamada ayay dhowaan ka dhistay magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Saraakiil iyo diblomaasiyiin ka socota imaaraadka carabta oo uu ku jiro Safiirka Imaaraadka Carabta ay u soo magacawday Soomaaliya.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…..

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!