War ku saabsan Zakariye Ismaaciil oo lagu soo wareejiyay gacanta hay’adda nabad-sugida

by admin | Thursday, Jan 1, 2015

Muqdisho : HN :– Wararka dheerad ah aya ka soo baxaya Al_Shabab_Milatent_Somaliaqaabkii gacnata dowladda Soomaaliya loogu soo wareejiyay madaxii sirdoonka Al-shabaab Zakariye Ismaaciil oo dhowr cisho ka hor isku dhiibay ciidamada dowladda.

Wararka waxaa ay sheegayaan in Zakariye Ismaaciil  shalay gelinkii dambe ay diyaarad qaas ah ay ka soo dejisay Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii laga soo qaaday magaalada Nairobi.

Saraakiisha sirdoonka dowladda Soomaaliya ayaa maalin ka hor Sarkaalkan ka watay garoonka diyaaradaha Wajeer, xilli la doonayay in loo soo dhoofiyo Muqdisho, waxaana ay u gudbiyeen magaalada Nairobi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Zakariye Ismaaciil su’aalo ay ku weydiiyeen Sirdoonka Kenya iyo sirdoono reer Galbeed ah garoonka diyaaradaha Nairobi ee Joma Kenyatta, halkaasoo muddo ka badan 24-saac lagu hayay.

Hey’adda Nabadsugida ayaa horay u beenisay wararka sheegayay in Zakariye ay la wareegtay Kenya, isla markaana uu gacanta ugu jiro.

Zakariye Ismaaciil Xirsi ayaa sabtidii la soo dhaafay iska dhiibay Gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Ceel Waaq, halkaasoo uu isku dhiibay Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda, kadib markii uu muddo baxsad ka ahaa Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Zakariye Ismaaciil diyaarada keentay magaalada Muqdisho ay la saarnaayeen Xildhibaano ka tirsna Baarlamaanka iyo saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda, waxaana la wareegay Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda ma cadda  sidda dowladda Soomaaliya ka yeelli doonto sarkaalkan, waxaana laga yaabaa in saxaafada loo soo bandhigo, sida horay u dhacday, iyadoo horay dowladda gacanta ugu heysay Saraakiil sar sare oo uu ku jiro Xasan Dahir Aweys iyo Maxamed Saciid Atam oo dhowaan laga saaray liiska argagixisada iyo cunaqabateynta.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!