War murtiyeed laga soo saaray shir 3-maalmood reer Hiiraan uga socday magaalada Stockholm

by Yahye | Sunday, Jan 4, 2015

Stockholm; HN:-Waxaa magaalada Stockholm lagu soo gebogebeeyey shir mudo 3-maalmood uga socday reer Hiiraanka degan qurbaha, dadka ka qeybgalay shirka oo ka kala yimid daafaha dunida ayaa dhamaadkii shika soo saaray war murtiyeed aay uga hadlayaan aayaha gobolka Hiiraan.

Warmurtiyaadka ayaa wuxuu u qornaa sidan:-

KU: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
KU: Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya
KU: Wasiirka Koobaad ee Xukuumadda (Prime Minister)
KU: Wasaaradda Arrimaha Gudaha
KU: Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan
KU: Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan (Ugaasyada iyo Wabarada)
Kulan ay 1-3 Janaayo 2015  isugu yimaadeen qurbojoogta Reer Hiiraan oo ka dhacay magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa waxaa ka soo baxay go’aan ku aaddan masiirka Gobolka Hiiraan ee ka mid noqoshadiisa nidaamka cusub ee federaaleynta dalka Soomaaliya.
Dood iyo fallanqeyn dheer ka dib, waxay qurbojoogta jaaliyadaha reer Hiiraan isla garateen arrimaha soo socda.
Qurbojoogta Reer Hiiraan waxaa ka go’an in mudnaanta ay leedahay la siiyo arrimaha nabadda, caddaaladda iyo dib u heshiisiinta dhabta ah waxay ka wada hadleen arrimaha ku saabsan Gobolka Hiiraan iyo ka mid noqoshadiisa nidaamka cusub ee federaaleynta dalka Soomaaliya.Hiiraan

1.      Gobolka Hiiraan waa gobolka keliya ee ka haray siddeeddii gobol ee ay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ka koobneyd markii uu dalku qaatay madaxbannaanidiisa sanadkii 1960. Waa gobolka kaliya ee aan sinnaba loo kala qeybinin illaa iyo waqtigii Xorriyadda la qaatay. Xukuumaddii Militarigu waxay todobadii kale ee gobol u kala qeybisay labo (2) illaa saddex (3) gobol, taas oo markii laga reebo Gobolka Hiiraan ay tirada gobolada dalku noqdeen toddoba iyo toban (17) gobol. Waxaa halkaas ka muuqata caddaala-darro lagu sameeyey Gobolka Hiiraan, oo ka mid ah goboladii qeybta weyn ka soo qaatay xoriya-doonka dalka.
2.      Gobolka Hiiraan wuxuu ahaa gobolka saddexaad ee ugu dadka badan isagoo ku xigay gobolada Benadir iyo Jubbada Sare (Alta Jubba). Wuxuuna lahaa 10% codadka kuraasta golaha baarlamaanka ee dowladdii rayidka aheyd ee 1960-1969.
3.      Xubnihii ergooyinka Golaha Ansaxinta ee Dastuurka u metelaayey Gobolka Hiiraan waxay si cad uga soo horjeesteen qodobada 48(2) iyo 49(6) ee Dastuurka oo qoraaya in ugu yaraan laba gobol ay dhisi karaan Dowladda Hoose (ama Dowlad Goboleed), iyagoo ku talo bixiyey in dib u eegis lagu sameeyo maqaamka Gobolka Hiiraan. Sababaha kor ku xusan owgood.

4.      Cadaala-darradaas lagu sameeyey Gobolka Hiiraan waxay dhamaatay markii wareegto madaxweyne lagu kala qeybiyey Gobolka Hiiraan taariikhdu markey aheyd 23dii bishii Luulyo 2012 kadib markii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Sharif sheekh Axmed uu sharci wareegto ah ku soo saaray in Gobolka Hiiran laba gobol loo kala qeybiyey.
Iyadoo la tixraacayo arrimaha kor ku xusan, waxay qurbojoogta reer Hiiraan ku taliyeen arrimaha soo socda:
1.      In Gobolka Hiiraan uu noqdo maamul-goboleed iskiis u taagan, maaddaama uu noqon karo laba gobol iyo wixii ka badan. Iyadoo aanan loo baahneyn in lagu daro gobol kale.

2.      In la tixgeliyo wareegtadii uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu Gobolka Hiiraan ugu kala qeybiyey laba gobol, iyo rabitaanka shacab-weynaha reer Hiiraan. Sharcigan wuxuu la maaqaam yahay sharcigii Madaxweynihii xukuumadda Militariga oo dib u habeeyey siddeeddii (8) gobol kana dhigay siddeed iyo toban (18).

3.      Marka uu Gobolka Hiiraan noqdo 2 gobol ayuu la midoobi karaa gobol kale.
Ugu dambeyntii, waxay qurbajoogta reer Hiiraan ka codsanaayaan cidkasta oo ay arintaan quseyso iyo inta samaha iyo wanaagga Soomaalinimada jecel in ay nagu garab istaagaan  go’aankii Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed ee uu ku kala qeybiyey Gobolka Hiiraan.

Mahadasanidiin,
Qurbajoogta Reer Hiiraan,

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!