Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Hodan

by admin | Wednesday, Jun 24, 2015

Hodan : HN :– Warar dheeraad ah iyo faah faahin hor dhac ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ah oo goor dhaw lagu beegsaday gadiid kolanyo ah oo uu la socday safiirka imaaraadka Carabta u jooga Soomaaliya.

Wararka ka soo baxay weerarka ismiidaamin ayaa sheegaya in gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay mid ka mid ah gadiidkii dagaalka ee la socday kolanyada, iyadoo ilaa iyo hadda inta la xaqiijinayo la leeyahay waxaa ku dhinta qaraxa ilaa 12 ruux oo u badan ciidamadii ilaalada u ahaa safiirka.

Dad ku sugnaa goobta ayaa warbaahinta u sheegay in ayarkeen dhiig fara badan hilbo dad go’ go’ay oo ka muuqday goobta qaraxa uu

Somalia al-Shabab

Somalia al-Shabab

ka dhacay.

Goobta qaraxa ka dhacay ayaa ku dhow Labaajo lagu dhaqo baabuurta, waxayna aheyd goob dadka ku badnaa, waxaana wadada isticmaalayay gawaari kala duwan.

Ma cadda wali khasaaraha gaaray saraakiisha ka tirsan Imaaraadka, waxaana qaraxa ahaa mid aad u xooganaa oo laga maqlayay magaalada inteeda kale.

Al-Shabaab oo sheegatay in ay kordhineyso weerarada bisha Ramadaan ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarka ismiidaaminta ee lagu qaaday Kolonyada ay la socdeen Imaaraadka Carabta.

Hiiraa Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!