Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya diyaarad xamuul ah oo shalay ku dhacday deegaanka Carbiska

by admin | Tuesday, Oct 13, 2015

20151013635803034968185358DSC07332Muqdisho :HN :–Warar dhaaraad ah ayaa ka soo baxay diyaarad kuwa xamuulka ah oo xalay ku dhacday deegaanka Carbiska oo ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose, iyadoo diyaarada uu soo gaaray burbur xooggan oo dhan walba leh.

Diyaaraddan oo nooceedu ahaa Airbus 300 ayaa u dhacday sababo la xiriira shidaalka oo ka dhamaaday iyo iyadoo kusoo aadday garoonka Muqdisho xilli habeenimo ah oo uu xiran yahay.

20151013635803035305627604DSC07338Shaqaalihii diyaaradda oo ahaa lix ayaa dhammaantood la badbaadiyay, dhammaantoodna waxay u dhasheen dalka Masar, waxaana lagu kala magacaabaa; Taariq Bayonmay, Salah Abdi Sadaq, Mohamed Subxi, Ahmed Baradaj, Alaa Raflax iyo Shaxata Shanoni.

Ugu danbeyntii waraku waxaa ay sheegayaa in raashinka ay diyaarada saarnaa ilaa iyo xalay ciidamada AMISOM ilaalo xooggan ka hayeen.

20151013635803035734220375DSC07329Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!