Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya diyaarad laga lahaa Ruushka oo ku soo dhacday gobolka Siinaay ee Masar

by admin | Saturday, Oct 31, 2015

Masar : HN :–Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya diyaarad laga leeyahay dalka Ruuskha oo sidda rakaab tiadooda lagu sheegay 224-qof ayaa ku burburtay Sabtida manta ah Siinaay oo ku taalla Waqooyiga dalka Masar,

Warbaahinta dalka Ruushka ayaa iyaguna baahiyay in khadka diyaaradda uu lumay kaddib markii duuliyuhu uu sheegay inuu ku caga-dhiganayo garoonka ugu dhow ee uu awoodi karo, markaas kaddibna aan laga helin wax war ah20151031635818718179225306Metrojet_Diyaarad_Ruushku_Leeyahay_660 diyaaradda.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in diyaaraddu ay ku dhacday dhul buuraley ah oo ku yaalla Siinaay, Masar, iyadoo shaqaale caafimaad iyo 50-gaadiidka o o kuwa gurmadka deg-degga ah loo diray goobtaas, inkastoo la sheegay inay aad u adag tahay in la gaaro.

“Diyaaraddu waxay ku dhacday waqooyiga gobolka Siinaay, gaar ahaan Housna oo 300-km u jirta magaalada Sharm el-Sheikh ee Masar, sida laga soo xigtay xafiiska ra’iisul wasaaraha Masar.

Rakaabka diyaaradda saarnaa ayaa la sheegay inay isugu jireen 217 rakaab ah iyo 17-qof oo ahaa shaqaalihii diyaaradda; mana jiraan cid ka badbaaday oo illaa hadda la sheegay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in diyaaradda ay ka duushay magaalada Sharm el-Sheikh ayna kusii jeedday magaalada St. Petersburg ee waddanka Ruushka, iyadoo la sheegay in rakaabkii saarnaa ay intooda badan ahaayeen dalxiisayaal Ruusha ah.

Dhanka kale, shaqaalaha duulimaadyada rayidka ah ee dalka Masar ayaa iyana sheegay in xiriirka diyaaradda uu lumay 23-daqiiqo kaddib markii ay ka duushay garoonka Sharm el-Sheikh.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!