Warar dheeraad ah oo ku saabsan dagaallo ka dhacay deegaanka Galgala

by admin | Tuesday, Jan 6, 2015

Galala : HN :– Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo  labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayeen deegaano ka tirsan Buuraleyda Galgala, halkaasoo ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya  in dhaawacyada askar ka tirsan ciidamada Puntland ayaa shalay la geeyay Isbitaal ku yaal magaalada Boosaaso, waxaana adag in la helo warar sugan oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalada.

Dad reer Guuraa ah ayaa soo sheegaya in dagaalada dhacay shalay iyo doraad ay ahaayeen kuwii ugu xooganaa eeGalgala mudooyinkan dhaca, lana isu adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ugu culus ayaa ka dhacay shalay deegaanka Diin-Digle oo ka tirsan Buuraleyda Galgala, halkaasoo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay saldhig ku lahaayeen.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland oo ku aadan dagaaladan ka socda Buuraleyda Galgala, waxaana aad ciriir u ah Isgaarsiinta deegaanka, taasoo adkeysay in la helo faah faahin rasmi ah.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!